Kulan looga hadlayey horumarinta ganacsiga heerarka hoose iyo dhexe ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug, waxaana ka qeybgalay wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Galmudug, ku xigeenkiisa, maamulka degmada Cadaado iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada heeraraka hoose iyo dhexe ayaa looga hadlay sidii dhiirigelin iyo horumarin loogu sameyn lahaa ganacsiga yar yar ee deegaannada dowlad gobaleeda Galmudug.
Nuur Yarow Xeyle oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado oo ka hadlay kulankaasi ayaa …