Dab xooggan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir gaar ahaan qeybtiisa Qandallada degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare hantiyeed.
Mid ka mid ah dadkii halkaasi ka dhawaa xilliga uu dabkani kacayey ayaa Goobjoog News u sheegay in uu ka billowday kadib koronto ay ka kacday mid ka mid ah Dukaammada halkaasi ku yaalla.
“Walaalow meesha dabka ka cay qandallada ayaa la yiraahdaa, waxaa lagu iibiyaa qalabka dhismaha, dabkani waxaa sabab …