Quantcast
Channel: Ganacsiga – Goobjoog News
Viewing all 586 articles
Browse latest View live

Qiimaha Kalluunka Suuqyada Muqdisho oo Hoos U Dhac Laga Dareemayo

$
0
0

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay qiimaha kalluunka uu aad u sareeyay ayaa hadda waxaa ku yimid hoos dhac taas oo ay kalluumeysatadu ku sababeyeen xilliga kuleylaha ee lagu jiro.

Marka la gaaro  xilliga kuleylaha Somaaliya ee bilaha Maarso iyo Apriil ayaa waxaa hoos u dhaca qiimaha kalluunka, waxaana dibadda usoo baxa kalluun badan oo si fudud ay ku heli karaan kalluumeysatada.

Kaawaanka kalluunka ee  Degmada Xamar-weyne oo ah halka ugu badan ee lagu iibiyo kalluunka Magaaladda Muqisho ayaa hadda waxaa ka jira hoos u dhac ku yimid sicirka lakala siisto Kalluunka.

Munasar Maki Aweys oo kamid ah kalluumeysatada iibiya malaayga ayaa Goobjoog News u sheegay in hoos u dhac uu ka jiro qiimaha kalluunka iyadoo wax badan uu iska bedelay qiimihii marki hore la iibinayay.

“Kuleylaha xilligaan oo kale marka la gaaro malaayga banaanka ayuu imaanaa oo hawada ayuu soo raadinaa…. Qiimaha malaayga hadda wuxuu u dhaxeeyaa $2.5 ilaa $4 halka marki hore uu ahaa $4 ilaa $8”Ayuu yiri Munasar oo ka mid ah kalluumeysada.

Kalluunka ayaa inta badan waxa uu sare u kacaa waqtiyada ay dabeylaha ka jiraan xeebaha, halka uu hoos u dhaco xiliyada Kuleylaha.

Goobjoog News


Suuqyada Digaagga Ee Muqdisho Oo Sii Dabar Go’aya

$
0
0

Iibsiga, cunista Digaagga dalka lagu dhaqdo ayaa sii yaraanaya, iyada oo taas badalkeeda dadku ay door bidayaan cunista Digaagga laga keeno dalka Brazil kaasi oo si qasab ah lagu bacrimiyo .

Waxaa lagu arkaa magaalooyinka waaweyn ee dalkeenna hilib digaag oo dalka dibaddiisa laga keeno, waxaa ayna keentay arrintaas in ay aad u yaraadaan cunista iyo ka ganacsiga Digaagga dalka oo aad uga qiimo jaban kan dalka dibaddiisa laga keeno.

Waxaa ay arrintan saameyn ku yeelatay dadka gudaha dalka ku xanaaneeya Digaagga, kuwaas oo sheegay in inta badan dadka ay door bidaan d#Digaagga laga keeno dibadda balse waxaa jira dad yar oo iyagana iibsada Digaagga lagu xanaaneeyo dalka.

Cumar Kaafi Nuur Maamulka Cadaani Khicken waxaa uu Goobjoog News uga warramay caqabadaha heysta Digaagga lagu xanaaneeyo gudaha dalka waxaa uuna yiri  “Gadaha digaagga lagu sameeyo inta badan waxyaabaha aan u iibin la’nahay waxaa ka mid ah xanaano la’aan diyaarin la’aan, marka digaagga aan iibinno oo dibadda laga keeno waa mid diyaarsan horayna loo soo xanaaneeyay”.

Suuqyada lagu iibiyo digaagga dalka lagu dhaqo ayaa sii yaraanaya taasi waxaa ay keentay in dad badan oo ka ganacsan jiray shaqo la’aan ay noqdaan halka kuwa kalena ay sheegayaan in aysan jirin cid wax ka iibsata.

Goobo badan oo dalka gadahiisa ah ayaa lagu xanaaneeyaa digaagga laga keeno dibadda shirkado gaar ah ayaa bilaabay ka ganacsigiisa waxaa ayna sheegayaan ganacsataan in digaaggii gudaha dalka uu yaraaday sidaasna ay u doorbideen in dibadda ay ka keensadaan.

Cabdullahi Xasan Axmed maamulaha Somali Poultry Farm waxaa uu yiri “ Waxaa aan leeyahay gudaha dalka waa lagu xanaaneyn karaa digaagga waana la dhaqi karaa “.

Saameyn dhanka nolasha ah ayey ku yeelatay dad badan oo ka ganacsan jiray digaagga dalka lagu dhaqdo waxaa ayna sheegayaan in markii hore ay heysteen suuq fiican balse hadda aysan jirin cid wax ka iibsata .

Suuqyada lagu iibiyo Digaagga ee magaalada Muqdisho ayey fadhiyaan iyaga oo rajadoodu ay tahay mid liidata waxaana dhacda mararka qaar in saacadaha badan oo ay joogaan Suuqa ay arki waayaan cid xataa weydiisa qiimaha la iibiyo Digaagga.

Cali Ibraahim waxaa uu ka ganacsadaa Digaagga waxaa uu Goobjoog News u sheegay caqabadaha ay ku heyso Digaagga laga keeno dalka dibaddiisa waxaa uuna yiri.

“ Caqabad badan ayey nagu heysaa waxaa ayna nagu reebtay saameyn weyn dhaqaallaheenii oo dhan hoos ayuu u dhacay.

Goobjoog News

Xiranaanshiyaha Waddooyinka Muqdisho Oo Saameeyey Dadka Ganacsatada Ah

$
0
0

Dadka ganacsatada ah ee ku sugan hareeraha wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku yeelatay waddooyinka xiran ee magaalada.

Waxa ay sheegeen in aanu jirin wax ganacsi ah, sababtuna waxay tahay dadkii wax iibsan lahaa oo aan soo gaari Karin wadadan, maadaama la lugeynayo.

Mahad Cali Maxamed oo ka mid ah ganacsatadan ayaa Goobjoog News u sheegay in aysan jirin wax ay iibiyeen illaa iyo saakay, islamarkaana iyaguna ay si lug ah ku yimaadeen xarumahooda, hadane iyaga oo shaqo la’aan ah ay laaban doonaan.

“Saakay waxaan ku nimid lug, Hal saac Ayaan xarumaheena ganacsiga furnay, ma jirto illaa iyo hadda wax aan iibinnay, waxaa ina saameeyay waddooyinkaan xiran” ayuu yiri Mahad.

Dhanka kale, Axmed Maxamed oo ganacstadan ah ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in dib loo furo waddooyinkan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda in shacabka waddooyinka loo furo si ganacsiga u socdoi, annagane aan u shaqeynsanno” ayuu yiri Axmed.

Shacabka Muqdisho ayaa saakay kusoo kacay waddooyinka Muqdisho oo badi xiran iyo meelaha qaar oo loo diidayo gaadiidka dadweynaha.

Goobjoog News

Kismaayo: Sare U Kac Laga Dareemayo Qiimaha Khudaarta

$
0
0

Sare u kac dhanka khudaarta ah ayaa laga dareemayaa Suuqyada magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose,waxaa ayna saameyn ku yeelatay arrintan dhaqdhaqaayada Suuqyada iyo wax ka iibsigooda.

Qiimo kororka ku yimid Khudaarta ayey sheegeen ganacsatada in ay sabab u tahay abaarta iyo roob la’aanta ka jirta deegaannada maamulka Jubbaland.

Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in qiimaha Liin-dhanaanta ay sare u kacday iyada oo markii hore saddexdii xabo la iibin jiray kun Shilin, halka hadda la iibiyo xabaddii Liin-dhanaanta ah lacag u dhiganta kun Shilin iyo Shan baqol.

Nuucyada kale ee khudaarta ee laga dareemayo qiimo kororka waxaa ka mid ah Asalaatada oo horay loo iibin jiray labo kun oo Shilinka Soomaaliga ah hadda waxaa la iibinayaa Suuqyada Kismaayo qiimo dhan 6 kun oo Shilin.

Sare u kaca qiimaha Khudaarta waxaa uu saameyn dhaqaale ku yeeshay ganacsatada nolol maalmeedkooda ka heli jiray ka ganacsiga Khudaarta.

Goobjoog News

Soomaaliya Oo Booska Ugu Hooseeya Ka Gashay Qiimeynta Ganacsiga Dunida Ee Bankiga Aduunka

$
0
0

Bangiga Adduunka ayaa baahiyey warbixinta sanadlaha ee qiimeynta howlaha saameynta ganacsiga ee Caalamka. Taasi oo lagu eegay howlaha saameynta ganacsiga iyo kororka dhaqaalaha ee 190 waddan oo ku yaalla caalamka.

Warbixinta oo loogu magac daray “World Bank’s Doing Business 2018 report” ayaa lagu xusay in aasaas uga dhigeen habka ugu sahlan in ganacsi loo abuuri karo, xuquuqda milkiyadda, nidaamka xisaabaadka ganacsiga, qandaraasyadda, xoojinta sharciyadda maalgashiga iyo fududeynta deymaha iyo tirada wax-soo-saarka kale.

Warbixinta Baanka Adduunka (World Bank) ayaa lagu sheegay inuu dalka New Zealand uu safka hore  ee kaalinta 1-aad ka galay qiimeyntaasi. Halka Singapore ay soo gashay kaalinta 2-aad.

Mareykanka ayaa liiskaan ka galay booska 6-aad, halka dalka Shiinaha uu galay kaalinta 78-aad, waxaana booska 100-aad ku jira dalka Hindiya.

Warbixinta ayaa waxaa lagu muujiyey in Soamaaliya ay tiigsatay kaalinta 190-aad ee ugu hooseysa qiimeyntaan caalamiga ah.

Bangiga Adduunka waxa uu tilmaamay in ay Soomaaliya la daalla-dhaceyso xaalad siyaasadeed oo tabar daran, dhaqaale liita iyo sii socashadda cabsida ammaan-xumida.

Goobjoog News

Maxaabiista Xabsiga Dhexe Oo Xirfado Kala Duwan Labaro

$
0
0

Dhallinyarada ku jira Xabsiga Dhexe ayaa waxaa la baraa farsamooyinka kala duwan ee wax soo-saarka gacanta, waxaana lagu baraa warshadda wax-soosaarka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku dhextaallo dhismaha Xabsiga dhexe.

Warashaddan ayaa dib loo howlgaliyey waxaana lagu baraa dhallinyada, Sameynta sariiraha Jiifka, Qalabka xafiisyada,Dhismaha iyo Harqaanka.

Cabdullahi Xuseen Faarax waxaa lagu xukumay muddo shan-sano oo Xabsi ah, waxaa uuna ka mid yahay maxaabiista lagu tobabaro Xabsiga dhexe, kuwaasi oo la baro farsamada gacanta, waxaa uu Goobjoog News uga waramay sida ay wax u soo-saaraan.

“Waxyaabaha aan soo saarno aad ayey ufaro badanyihiin, waxaan soo saarnaa jiifafka, kuraasta iyo qalabyada xafiisyada “.

Taliye ku xigeenka hoggaanka warshadaha iyo beeraha ee ciidamada Asluubta Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle Cali ayaa sharraxaya sida dhallinyarada loogu tababaro xabsiga dhexe waxaa uuna yiri.

“Makiinadahan waa kuwa wax lagu baro maxaabiista, waxa ay soo-saaraan waa sariiro, kuraas, daaqado waxwalba oo la xiira jiifka iyo qalabyada xafiisyada ayaa halkan lagu sameeyaa”.

Dhallinyaradan ayaa rajadooda waxaa ay tahay marka ay dhameystaan mudada xabsiga in ay xirfaddan  ku shaqeystaan sida uu u sheegay Goobjoog News Cabdiraxmaan Xasan Axmed oo ka mid ah dhallinyarada ku jirta Xabsiga Dhexe.

“Halkan waxaan ka shaqeyneynaa muddo saddex sano ah waxyaabo badan ayaa nalku baray oo ay ka mid yihiin sameynta kuraasta, Jiifafka iyo qalabyada xafiisyada markii hore waxba kama aqoon farsamada gacanta, balse maanta waxaan ku rajo weynahay in haddaan magaalada tago aan ku shaqeysan karo”.

Waxaa jira qeyb maxaabiista lagu baro xisaabaadka waxaa uuna sheegay Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle Cali in ay ka mid tahay tobabarrada aqoon karorsiga ee maxaabiista loogu talo galay waxaa uuna yiri.

“Waxbarashadaan waxaa loogu talo galay aqoonta xisaabaadka in laga dhiso dhallinyarada xabsiga dhexe, waxaa jira macalimiin dhigta waana Iskuul caadi ah, qeybtaan waa qeybta waxbarashada caadiga ah ee xabsiga dhexe”.

Qarashaka lagu iibiyo Alaabta ay soo-saaraan dhallinyarada Xabsiga Dhexe waxaa loo qorsheeyay in qeyb ka mid ah ay dhallinyarada waalidkood ay dib ugu diraan.

Goobjoog News

Sare U Kac Dhanka Maciishadda Ah Oo Laga Dareemayo Degmada Baardheere

$
0
0

Sare u kac aad u xooggan ayaa laga dareemayaa suuqyada iyo goobaha ganacsiga degmada Baardheere  ee gobolka Gedo,iyada oo arrintan ay saameyn ku yeelatay  nolosha dadka ku dhaqan degmadaasi oo u badan qoysas danyar ah oo ay horey u ragaadiyeen abaaro.

Sare u kacaan ayaa lala xariirinayaa hakad ku yimid gaadiidkii xamuulka ahaa ee soo galayey degmada ,Roobabka da’ay awgood,ganacsatada deegaanka ayaa qiima kororka ku tilmaamay wadooyinka oo ku xirmey Roobabka da’aya.

Cabdulqaadir Maxamed   oo ka mid ah ganacsatada  degmada Baardheere  oo u warramay Goobjoog News  ayaa sheegay in raashinka uu gabaabsi ka yahay degmada,isagoo sheegayna sababaha sicir bararka keenaya in ay ugu weyn tahay Roobabka da’aya iyo gaadiidka oo wadooyin fog soo maraya.

“Baabuurta waxaa ay ka soo baxaan magaalada Muqdisho, waxay soo maraan gobolka Sh/hoose, roobabkii guga darteed gaadiidkii ku soo wajahnaa Baardheere waxay ku xayiranyihiin Saakow ilaa Bu’aale inta u dhaxeysa, wadooyinka oo xirmay waxaa ay keenee in maagalada Baardheere ay noqoto mid laga dareemo qiima koror ku yimd maciishadda”.

Goobjoog News

 

The Economist: Dowladda Soomaaliya Oo Imaaraadka Ka Hortaagan Inay Buuxiyaan Meelaha Bannaan

$
0
0

Sida lagu daabacay majaladda The Economist, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka carabta ka hortaagan tagay in ay buuxiyaan meelaha bannaan, isla markaana ay u daba-maraan goobo gudaha Soomaaliya ah oo aaney dowladda Soomaaliya gacan amni iyo mid dhaqaale siin karin.

Majaladda oo qoraal dheer ka diyaarisay sida Imaaraadka uu Malaayiin Dollar ugu bixinayo Somaliland ayaa waxaa ay ku doodeysaa in Muqdisho aaney awoodin hor istaagga damaca Abu Dhabi, sababtana ay tahay awood yarida heysata iyo inay ka badan la’dahay Al-shabaab oo meel walba weerarta.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in $450m ee ku baxeysa dekadda Berbera iyo dhismaha saldhigga militari ay daliil u yihiin sida lacagta gacanta ay isbadal uga sameyn karaan geeska Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan in shirkadda DP World dalka laga ceyriyo, qaraarkaas oo aanu weli saxiixin madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho xiriirka labada dal.

Goobjoog News


Suuqyada Muqdisho Oo Laga Dareemayo Sare U Kac Dhanka Khudaarta Ah

$
0
0

Waxaa bilowday xilliga guga roobka, waxuuna Saameyn ballaaran uu ku yeeshay suuqyada Khudaarta ee magaalada Muqdisho.

Qiimaha khudaarta Suuqyada Muqdisho ayaa laga dareemayaa sare u kac aad u ballaaran, iyada oo loo sababeynayo jidadka oo u xirmay roobka daraadiisa.

Dadka ka ganacsada Khudaarta oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in xilligan ay khudaarta kacday gaar ahaan Yaanyada.

Luulo Maxamed Cali waxay ka ganacstadaa khudaarta waxay ka warramaysaa sare u kaca xilligan laga dareemayo “Yaanyada caagii labaatanlaha  waxaa lagadi jiray 80 kun oo Shilin Soomaali ah, hadda waxaa lagadayaa 300 boqon oo Shilinka Soomaaliga ahm Babeyga isna aad ayuu u qaaliyoobay saameyna waxaa ku yeeshay roobka “.

Farqi noocee ah ayaa u dhaxeeya qiimaha khudaarta xilliyada Jilaalka iyo kuwa roobka waxaa arrintaas Goobjoog News uga warrantay Nimco Xuseen Shire oo ka mid ah ganacsatada Khudaart.

“Baradhadii Kiiladii waxaa ay mareysaa 35 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, awalna horay waxaa loo gadi jiray 18 kun Shilin Soomaali ah, Basasha waxaa lagadi jiray 10 kun,halka hadda lagado qiimo dhan 20 kun oo Shilinka Soomaaliga ah”.

Goobjoog News

Muqdisho Oo Laga Dareemayo Qiimo Koror Dhanka Dhuxusha Ah

$
0
0

Isticmaalka Dhuxusha waxaa ku yimid sare u kac dhanka qiimaha ah, suuqleyda ayaa sheegaya in qiima kororka ku yimid Dhuxusha uu yahay mid ka dhashay roobabka .

Badanaa xilliyada roobabka waxaa caado ka ah Suuqyada Dhuxusha isbedel ku yimaada qiimaha marka loo eego waddooyinka la soo marsiiyo oo ay xireen biyaha daadka roobabka .

qaar ka mid ah ganacsatada Dhuxusha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Markii hore Lowrka dhuxusha lagadi jiray qiimo dhan 15 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, balse hadda laga gado Lowrkii dhuxusha qiimo u dhaxeeya 190-195 kun oo Shilinka Soomaaliga ah.

Ganacsatada  ayaa raaciyey in sare u kacaan ku yimid Dhuxusha ay sabab u tahay waddooyinkii oo u xirmay roobka.

Xilliyada jiilaalka maahan Dhuxusha mid qaali ah marka loo eego waddooyinka la soo marsiiyo oo ah kuwo qalalan baabuurtana ay si sahlan ku soo gudbaan, balse xilliga roobka waxaa yaraada Dhuxusha go’doon ay la kulmaan baabuurta dhuxusha owgeed.

Goobjoog News

Soomaaliya Oo Beenisay Inuu Jiro Heshiis Muqdisho Iyo Abu Dhabi Ay Ka Gaareen Arrinta Berbera

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya H.E. Amb. Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay HCTV ayaa beeniyay inuu jiro heshiis isafgarad oo dhex maray Imaaraadka iyo xukuumadihii soo maray Soomaaliya, isaga oo arrinta wasiiru dowlaha Abu Dhabi ku tilmaamay mid aan wadan caddeyn qoraal ah iyo mid kale.

Amb Cawad oo arrintaas jiritaankeeda wax laga weydiiyay waxaa uu ku jawaabay“Maya, ma heyno, haddii uu jiri lahaa heshiis dowlad Soomaaliyeed gashay, oo magaca dowladda Soomaaliyeed  lagu galay haddii uu jiri lahaa  buuqma ma jireen, dowladda Soomaaliyeed wey ixtiraami laheyn wixii heshiis ah, Imaaraadku nama tusin ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliyeed ama xukuumadihii Soomaaliyeed ee federaaliga ah ay la gashay nama tusin, wuxuu wasiiru dowluhu sheegay in ay jiraan tafaahum(is-afgarad), Tafaahum iyo heshiis waa kala duwan yihiin, Tafaahum waxaa uu iman karaa in labo sheekeysato IWM, siyaabo kale ayuu ku iman karaa, laakin haddii uu jiro heshiis la kala saxiixday weli ma aanan arag, xataa haddii uu jiro isafgarad, ma si qoraal ah yuu ku dhacay, ma ogtahay waa jiri kara MOU ama isafgarad xusuusb ama afka oo laga wada hadlay, marka Imaaraadku inay na tusaan wax muujinaya heshiiskaasi weli waa ka sugeynaa, haddii aan heli laheynna arrintu meeshan ka gaarteen”

Todobaadkii hore, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda  Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash, oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Carabiga ee BBC –da ayaa sheegay in arrinta Berbera ay heshiis isfaham ah kala galeen dowladda federaalka ah isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “ Is faham ayaa jiray, weliba isfaham cad, oo sheegaya in siyaasadda Soomaaliya ay mid tahay, laakin Somaliland oo Soomaalida Ingiriiska gumeystay iyadana in aan ka fulin karno mashaariic horumarineed ama kuwoo gargaar ah, is-afgaradkaas xukuumado badan ayaa waafaqsanaa..ilaa ay dhacaan doorashooyinkii ugu dambeeyay oo dalka xulufo cusub yeeshay’.

Anwar Maxamed Qarqaash oo lagu celiyay in dowladda federaalka ah kala heshiiyeen arrinta Berbera waxaa uu ku jawaabay “Waxaa jiray isfaham cad oo na dhex maray xukuumadihii Soomaaliya, isfahamkaasina waa caddaa in la mowqifku yahay in la taageero Soomaaliya oo mid ah…haddii Soomaliya aan dal qura u aqoonsannahay taasi nagama reebeyso in aan taageero iyo horumarin ka fulinno Somaliland”.

Beeninta wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya H.E. Amb. Axmed Ciise Cawad ee jiritaanka heshiis ama is-afgarad arrinta Berbera ka dhex maray labada dal, waxaa uu meesha ka saarayaa shaki badan oo ka jiray in maamulladii hore ee dowladda federaalka ah ay si qarsoodi ah ula galeen dalka Imaaraadka Carabta.

Goobjoog News

Soomaaliya Oo Ku Biireysa Comesa, Akhriso Shuruudaha Lagu Xiray

$
0
0

Soomaaliya iyo Tunisia ayaa lagu wadaa in ay mar kale codsi ugu gudbiyaan ururka ugu weyn ganacsiga qaaradda Afrika ee Comesa, si xubnaha ururka u noqdaan 21 dal.

Sida ay qortay wargeysa The EastAfrican ee laga leeyahay Kenya labada dal ayaa ku biiraya ururka ganacsiga Comesa kadib markii ay buuxiyaan shuruudaha loogu biiro heshiiska.

Suuqa ganacsiga ee Comesa heysato waa ilaa 490-million  marka lagu daro Soomaaliya iyo Tunisia  waxaa ay noqon-doonaan 516 million.

June 8, 2016, Soomaaliya waxa ay codsi u dirtay ururka ganacsiga ee Comesa iyada oo ku doodey inay xubin ka aheyd ururkii ganacsi ahaa ee Comesa ka horreeyay ee loo yaqaaney  Preferential Trade Area.

Qoraalka ay xilligaas Muqdisho gudbisay waxaa ku jiray faahfaahin ku saabsan sida ay ugu diyaar tahay barnaamijyada Comesa.

Soomaaliya oo dadkeeda lagu qiyaasay 15.1 million ayaa wajaheysa dhowr caqabad oo xagga sharciga ah sida;

1. Soomaaliya waxaa ay xubin ka aheyd ururka hooyada u ah Comesa ee Preferential Trade Area (PTA) laakin markii loo guuray Comesa 1994-tii ma codsan inay ku biirto ururkan cusub.

2. Soomaaliya markii ay xubin ka aheyd ururka laga soo guuray ee PTA, dalka waxaa uu magaciisa ahaa Jamhuuriyadda dimoqoraadiga Soomaaliya halka hadda loo yaqaano jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News

Sare U Kac Ku Yimid Sarifka Doollarka Suuqyada Gaalkacyo

$
0
0

Qiimaha lagu sarifo lacagta doollarka Mareykanka ee Suuqyada magaalada Gaalkacyo ayaa sare u kac xooggan laga dareemayaa.

Sare u kacaan ku yimid sicirka doollarka Mareykanka marka loo badelayo shilinka soomaaliga ayaa loo sababeenayaa doollar yari soo wajahday suuqyada Gaalkacyo taas oo ay keentay xoolihii loo dhoofin jiray wadamada khaliijka oo yaraaday.

Faysal Cali Ibraahim oo ka mid sariflayaasha magaalada Gaalkacyo ayaa Goobjoog News uga warramay isbedelka ku yimid qiimaha sarifka doollarka Mareykanka.

“Sarifka lacagaha qalaad kor ayuu u kacay, waxaana u sabab ah lacagta kaashka shillinka Soomaaliga ah ayaa suuqyada ku badan, waxaana ku yar lacagta doollarka, lacagta doolarka waxaa laga heli jiray ganacsiga xoolaha nool ee loo dhoofin jiray wadamada Khaliijka… bilihi lasoo dhaafayna wax xoolo ah lama dhoofin taas ayaana yareysay doollarki Mareykanka”

Qiimaha lala siisto sarifka doollarka Mareykanka marka loo bedelayo shillinka Soomaaliga suuqyada magaalada Gaalkacyo ayaa markii hore ahaa 100-ka doollar qabashada 2 milyan iyo boqol oo,halka bixinta uu ahaa 2-milyan 8 boqol iyo 50 kun oo shillin Soomaali ah waxayna hadda gaartay gacanta hore 3 milyan oo,halka gacanta dambe ay mareyso 3-milyan iyo 60-kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Isbedelkan ku yimid sarifka doollarka Mareykanka ayaa saameyn ku yeeshay qiimaha maciishadda Gaalkacyo.

Goobjoog News

Guddoomiye Cirro: “Sababaha Sicir Bararka keenay Waxaa Kamid Ah DP World Iyo Qaadka”

$
0
0

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay waxba ka qaban kari wayday sicir bararka dalka ka jira.

Guddoomiye Cirro wuxuu sheegay in sababaha sicir bararka keenay ay kamid tahay lacago adag oo shirkadaha qaadka iyo shirkadda DP World ay dalka dibaddiisa u diraan.

“Sababaha sicir bararka keenay waxa kamid ah DP World sida ay ii sheegeen sarriflayaashu DP World waxay adeegga ku qaadataa Somaliland Shilin habeenkiinna waxay ku badalataa doollar sidoo kale qaadka oo dadka inta badan cunaan isna waxaa lagu iibiyaa Somaliland shilin habeenkiinna waxaa lagu badalaa doollar” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in sababaha sicir bararka keenay ay kamid tahay dhoofka xoolaha ee istaagay.

Sidoo kale musuq-maasuqa ayuu sheegay in uu qayb ka yahay sicir bararka ka jira Somaliland.

Goobjoog News

Itoobiya Iyo Israel Oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Qotoma Horumarinta Iskaashiga Dhaqaalaha

$
0
0

Reuven Rivlin iyo Mulatu Teshome oo kala ah Madaxweynayaasha Itoobiya iyo Israel ayaa kala saxiixday heshiis Iskaashi oo lagu horumarinayo dhaqaalaha labada dhinac.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa gaaray magaalada Adis-ababa maalintii talaadada aheyd isgoo ku joogi doono booqasho qaadaneysa saddex cisho .

Shir ay si wadajir ah u qabteen labada Madaxweyne ayay ku sheegeen in ay kawada xaajoodeen sidii loo horumarin lahaa dhinacyada Iskaashiga dhaqaalaha ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Israel.

Waxay tilmaameen in ay dadaallo dheeri ah ay ku bixin doonaan sidii loo horumarin lahaa  xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Teknoloojiyadda iyo Maalgashiga.

Goobjooj News


Baydhabo Oo Laga Mamnuucay Bajaajta Cusub

$
0
0

Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaamba joojiyeen Bajaajta cusub ee la doonayo in la soo galiyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in magaalada ay ku badatay gaadiidka Bajaajta inta hadda joogtana ay ku filantahay isaga oo tilmaamay in ay wadaan qorshe looga hortagayo in Baydhabo la soo galiyo Bajaaj cusub waxaa uuna yiri .

“Bajaaj warkeeda wuu dhamaaday oo Baladka la keeno, waxaan raaceynaa amarka gobolka iyo degmada ay dhiibtay “.

Taliyaha waxaa uu sheegay in la ogolaan doono in Magaalada Bajaaj la soo galiyo marka ay dhamaadaan kuwa hadda shaqeeyo ama ay yaraadaan, isaga oo tilmaamay in ciddii lagu arko iyada oo Bajaaj soo galineyso lagaLA wareegi doono.

“Bajaaj inta hadda taallo oo aan burburin mid kale lama keeni karo amarka la dhiibay waa kaas, ninkii sheekadaas lagu arko asigoo Bajaaj wada waa lagaala wareegayaa “.

Baydhabo waxaa ku soo badanayey maalmihii dambe Bajaajta taasi oo ay maamulka sheegeen in ay Saxmad ay ka abuurtay waddooyinka magaalada aysana u dulqaadan doonin in la soo galiyo Bajaaj cusub.

Goobjoog News

Soomaaliya Iyo Djibouti Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Ku Qotoma Iskaashiga Dhinacyada Socdaalka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka

$
0
0

Dowladaha Djibouti iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku qotoma dhinacyada gaadiidka Cirka iyo dhulka, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Djibouti.

Wakaaladda Djibouti ayaa warkani baahisay maalin nimadii Arbacada aheyd oo Taariikhdu ku beegneed 2, May, 2018-ka, heshiiskan ayaa labada dowladood u ogolaanayo inay ka faa’ideystaan qadka duulimaadka Djibouti iyo Soomaaliya, kaasi oo ku dhisan dhaqanka diblomaasiyadda caalamka waafaqsanna sharciyada fulinta.

Soomaaliya iyo Djibouti xiriirka Taariikheed ee ka dhaxeeya, ayaa keenay inay isku milmaan labada dal si ay iskaga faa’ideystaan.

Labadaan dowladood oo ku yaallo geeska qaaradda Afrika ayaa maalintii Arbacada 2 May waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan adeegyada gaadiidka Cirka iyo iskaashiga dhanka socdaalka dhulka.

Wakaaladda Djibouti oo soo xiganeysay ilo wareedyo Djibouti ah ayaa sheegtay in heshiiskan uu keenayo in Shirkadaha ay soo xuli doonaan labada dowladood, si looga shaqeysiiyo qadka duulimaadka Djibouti iyo Soomaaliya iyada oo la raacayo dhaqan gelinta heshiiska la saxiixday.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Djibouti  iyo Soomaaliya Isniintii la soo dhaafay, dhanka Djibouti waxaa u saxiixay wasiirka Socdaalka iyo gaadiidka Mohamed Abdoulkader Moussa Helem, halka Soomaaliya uu u saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulimaadka rayidka Mohamed Abdillahi Salat.

Goobjoog News

Xog Cusub: Xaqiiqooyinka Cusub Oo Ku Aadan Qaabka Dowladda Federaalka Loogu Heysto €90.6m

$
0
0

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah, isla markaana ka mid ahaa dadkii wax ka ogaa bilow ilaa dhammaad heshiiska 6da markab ee ay dowladda federaalka ah la gashay shirkadda AMOSC, isla markaana magaciisa qariyay ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiiskaas uu jiro, loona galay baahi jirtay, welina jirta  isaga oo intaasi raaciyay in heshiiska muhiim u yahay in ay ciidamada badda helaan maraakiib, tababar iyo aqoon ay ku ilaaliyaan baddeena.

Qoraallo cusub oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in wasaaradda gashaandhigga ay casuumaad u dirtay shirkadda AMOSC June 9, 2016 si saraakiisheeda Muqdisho u yimaadaan, oo wadatashiyo u sameeyaan, laakin kulankan ma dhicin.

Dhinaca kale, Kulan ay wasaaradda gashaandhigga la qaateen  June 13, 2016 guddi qiimeynta oo ka kooban wasiirka maaliyadda, xubno ka socday  xafiiska madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha 9 xubnood oo kale oo ay ku jiraan Bangiga adduunka, IMF iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa laga soo saaray qoraal.

 Qoraalkan oo lagu faah-faahiyay wixii kulanka ka dhacay waxaa uu so baxay August 30, 2016, wasaaradda gashaandhigga waxaa ay guddigan u sheetay in shirkadda AMOSC ay wasaaradda kusoo wargelisay in aanu heshiiska sii socon karin,  isla markaana uu dhintay, balse muuqaal ay Goobjoog aragtay waxaa u jiray in bil kadib uu xarunta shirkadda booqday Dr. Ali Said Faqi isaga oo sheegay wladda maalgelin raadineyso.

Isla arrintaas  su’aal ay Goobjoog News ka weydiisay shirkadda AMOSC , in dowladda federaalka ah ku dhaheen heshiiska waa ka baxnay iyo in kale?  shirkadda arrintaas waa inkirtay, iyaga oo intaasi raaciyay in heshiiska uu dhaqan galay markii la saxiixay, isla markaana ay xaqooda waddo sharci ah ku raadsanayaan.

Halkan Ka Akhriso: Heshiiska Ay Galeen Wasaradda Gashaandhigga iyo Shirkadda AMOSC

Goobjoog News

Galmudug Oo Sheegtay In Meel Wanaagsan Marayso Dhismaha Dekadda Hobyo

$
0
0

Maamulka Galmudug oo faah faahin ka bixinayey halka ay mareyso dhismaha dekadda magaalada Hobyo ayaa sheegay in haatan meel aad u wanaagsan ay mareyso.

Wasiirka wasaaradda dekadaha Galmudug C/qaadir Qalabxoor ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay Hobyo ku sugan yihiin Injineerro qiimeynaya dekadda si howlaha dhismaha loo billaabo.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in dedaal badan ku bixinayaan sidii dekadda Hobyo loo dhisi laahaa, islamarkaana dedaalkeeda socdo.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay socoto sahminta qaab dhismeedka dekadda iyo nooca ay tahay xeebta dekadda Hobyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Qiimo Koror Laga Dareemayo Qaxwada Iyo Timirta Suuqyada Muqdisho

$
0
0

Suuqyada magaalada Muqdisho waxaa aad loo Iibsanayaa Timirta iyo Qaxwada, maadaama ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan dadkana ay doonayaan in ay ka dhigtaan Afur.

Hadda waxaa laga dareemayaa Suuqyada sare u kac la xiriira Timirta taasi oo si aad ah ay dadka u gadanayaan, Kiilada Timirta ah ayaa waxaa la iibinayaa Suuqyada qiimo dhan 36 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, halka markii hore ay aheyd qiimo dhan 23 kun oo Shilin Soomaali ah.

Timirta ayaa waxay yeelatay Suuq, waxaana iibsanaya dad ban si ay ugu Afuraan .

Dhanka kale Qaxwada ayaa iyaduna waxaa laga dareemayaa Sare u kac maadaama ay ka mid tahay waxyaabaha ay dadku Jucelyihiin xilliyada Soonka.

Qaxwada ayaa ah labo nuuc Nuuca koowaad waxaa la iibinayaa Suuqyada muqdisho qiimo dhan $3 doollar, halka Nuuca kale iibinayo $6 doollar.

Goobjoog News

Viewing all 586 articles
Browse latest View live