Quantcast
Channel: Ganacsiga – Goobjoog News
Viewing all 586 articles
Browse latest View live

DFS Oo Sheegtay In Daabicista Lacag Cusub Oo Shilin Soomaali Ah u Baahan Tahay $50 Milyan

$
0
0

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in aysan fududeen hadda in dalka loo soo-dabaco lacag cusub, waxa uu tilmaamay in arrintani ay u baahantahay ku dhowaad 40 milyan illaa 50 milyan oo doolarka Maraykanka ah si loo daabaco lacagta.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in ay wadaan dadaallo lagu soo daabacayo lacagta cusub ayna kaashanayaan hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

“Waxyaabo badan ayaa laga soo shaqeeyay, hadda waxaan joognaa meelihii ugu dambeeyay, waxaana nagala shaqeynaya hay’adda lacagta adduunka, lacagta waa la isla gaaray jajabka iyo nuuca ay noqoneyso, lacagta daabacaadeeda ayaa waxa uu joogaa Afarta ilaa Konton Milyan oo doolar”.

In dib loo soo daabaco lacagtii shilinka Soomaaliya waxaa jira caqabado ku har go’an oo ay ka mid yihiin inuusan awood maamul laheyn bankigii dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa adkaan doonta hirgalinta lacagta cusub.

Goobjoog News


Somaliland: Go’aan Cusub Oo Ku Saabsan Kalluumeysiga

$
0
0

Wasiirka Wasaarada xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo maanta hortagay golaha guurtida, kana warbixiyay waxqabadkiisa ayaa sheegay in ay jiraan shirkado kalluumeysi oo jabiyay sharciyadii rukhsadda loo siiyay iyo qaabka kalluumeysi, iyaga oo bilaabay kalluumeysiga nooc libaax badeedka ka mid ah oo loo yaqaan “Indho-tooshle”. Ka kalluumeysigan libaaxa noocyadan ah waxaa ay bilaabatay 2017-kii.

Wasiirka Xasan Maxamed Gaafaadhi oo warbixin siinayey golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in guud ahaanba Somaliland la joojiyay ka ganacsiga iyo dhoofinta saddex nooc oo ka mid ah kheyraadka sida dhoofinta Kaluunka libaaxa-badaha Somaliland ee noocan “Indho-tooshlaha” iyo libaax badeedka gebi-ahaantiiba, dhoofinta Diinka iyo naasleyda badda ku jira.

Gaafaadhi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aaney joojin kalluumeysiga balse ay joojiyeen uun kaluun mamnuuc ahaa oo xeerkii iyo sharcigii ay siteen ku baal-mareen.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi , ugu dambeyntii, xagga dhoofinta waxaa uu soo qaatay in kaluunka lagu dhoofin kara uun ama inuu yahay mid la qaboojiyay ama baraf ku dhex-jira balse aan la dhoofin karin kaluun nool.

Goobjoog News

Dekadda Muqdisho Oo Aanan Shaqeyn 7 Maalin Iyo Ganacsatada Banaadir Oo Ka Hadlaya

$
0
0

Waxaa muddo 7 todobaad ah aanan shaqeynin dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayaan canshuur kordhis.

Shir jaraa’id oo ganacsatadu maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, waxaa ay ka hadleen dhowr qodob oo ay ku sababeeyeen cabashadooda.

Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa:

1. Dekadda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo canshuur badantahay dekadaha ka jira Soomaaliya taasi oo keentay in ganacsatada Muqdisho ay ku qasaaraan badeecooyinka ay ka soo dejiyaan dekadda, maadaama aysan la tartami Karin badeecooyinka kale ee laga soo dajiyo dekadaha kale ee dalka lagana qaado canshuur ka yar tan muqdisho.

2. Waxaan xasuusineynaa madaxda in  ganacstada gobolka Banaadir ay yihiin ganacstada ugu canshuurta bixinta badan dalka ayna si gaara iskaga xilsaareen dhismooyinka wadooyinka Muqdisho iyo arrimaha la xiriira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul oo dhibaatada ka soo gaartay abaaraha wadanka.

3. Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ah ee dusha laga saaray ganacsatada gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameyso

Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyadda in si isku mid ah oo loo wada simman yahay uga qaado dhammaan ganacstada Soomaaliyeed, lagana daayo ganacsatada gobolka Banaadir culeys canshuureedka sida gaarka ah looga haayo.

Ugu dambeyntii,  waxaan ka codsaneynaa madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda in ay soo faro galiyaan arintani , waxna laga qabto dhibaatada heysata ganacstada gobolka Banaadir.

Goobjoog News

Dab Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Degmada Hilwaa Ee Muqdisho

$
0
0

Dab ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka kacay suuqa daryeel, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare hantiyeed geystay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dabkaan uu kacay xilli saq dhexe ah, islamarkaana uu wada gaaray guud ahaan suuqaasi.

Dadka deegaanka oo dedaal badan sameeyay ayaa ku guuleystay ugu dambeyn iney dabka damiyaan, balse waxay waayeen gaadiidka dabdamiska ah oo aan halkaasi tagin xilligii loo baahnaa.

Weli ma jirto faah faahin ku aadan waxa sababay in dabkaan uu kaco iyo sidoo kale khasaaraha hantiyeed inta uu la egyahay.

Dhanka kale, maamulka degmada Hilwaa oo aynu xiriir la sameennay si aan wax uga weydiinno arrintaan ayaan inoo suurtagalin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Suuqa Bakaaraha: Ganacsatada Oo Ku Adkeysanaya Xirnaanshiyaha Xarumaha Ganacsiga

$
0
0

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ku adkeysanaya iney xirnaadaan xarumahooda ganacsiga, tan iyo inta wasaaradda maaliyadda wax ka bedalayso canshuurta lagu soo rogay.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda federaalka ay ganacsatada Banaadir ku soo rogtay in 5% canshuurta iibka inay ku bixiyaan dekadda.

C/laahi Abuukar, waxa uu ka tirsan yahay ganacsatada Suuqa bakaaraha, waxaana uu Goobjoog News u sheegay in go’aankaan ay gaareen, islaamrkaana aysan furi doonin ganacsigooda tan iyo inta cabashadooda wax laga qabanayo.

“illaa cabashadeenna wax laga qabto sidan ayeey u xirnaan doonaan xarumaheenna ganacsiga, mana laga yaabo inaan furno, wasaaradda maaliyadda ayaa laga doonayaa iney ka jawaabto wixii ka dhashay arrintan, sidoo kalena annaga madaxda sare waan gaarsiineynaa cabashada aan qabno” ayuu yiri ganacsadahan.

Maanta oo Axad ah waxaa gabi ahaanba xiran xarumaha ganacsi ee suuqa ugu weyn dalka “Bakaaraha”, waxayna ka cabanayaan ganacsatada canshuurta dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Goobjoog News

Suuqa Bakaaraha Oo Maalintii Labaad Xiran iyo Ganacsatada Iyo Muruq-maalka Oo Sheeganaya

$
0
0

Maalintii Labaad waxaa xiran ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii ganacsto is uruursatay ay sheegeen iney ka gadoodsan yihiin canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Ganacstada yar yar ee Suuqa Bakaaraha ayaa maanta isku dayey iney furaan xarumahooda ganacsi, hase ahaatee waxaa si awood ah uga xiray rag kale oo ganacsato ah walibana wata dhagxaan iyo budad.

Mid kamid ah dadka ganacsiga yar yar ku leh suuqa Bakaaraha ayaa Goobjoog News u sheegay in shalay iyo maanta uu dabkooda degsan yahay, islamarkaana ay iyaga iyo shacabka noqdeen kuwo dhibban.

“Saakay waxaan isku daynay inaan furanno goobaheen, laakiinse waxaa inoo yimid dad dhagxaan iyo ulal la ordaya, dhabarkeyga hadaan ku tuso waa yaabeysaa oo sida qarihii oo kale bay ii galeen waana iska xirnay, waxaan leennahay hanalaga qabto dadkaan nagu ciyaaraya” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ganacsata yar yare e Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, muruq maalka Suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna shalay iyo maanta weysan wax ay dabka ku shitaan, sababtoo ah shaqadooda waxay ahayd iney xamaalaan waxa ay dadka iibsadeen, balse haddii aanay ganacsi jirin ma jirto cid ay u shaqeeyaan.

“Annaga aad buu inoo saameeyay, run ahaantii waxaan ka dhex shaqeysan jirnay Labo qof oo wax kala iibsata, balse shalay iyo maanta aad ayeey noo saameysay arrintan” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid kamid ah  muruq maalka suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya qarash dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu daray canshuurta dekadda Muqdisho.

Goobjoog News

DFS Oo Loogu Baaqay In Si Hoose Ku Xalliso Tabashada Ganacsatada Gobolka Banaadir

$
0
0

Maxamuud Xasan, wasiirkii hore ee ganacsiga dowladda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay sida ugu haboon ee loo xalin karo tabashada ganacsatada gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay wasiir Xasan in aragti ahaan uu u maleynayo in wasaaradda maaliyadda aanay la tashi la sameyn rugta ganacsiga, ka hor inta aanay canshuurtan soo rogin.

“Wasaaradda waxaad mooddaa iyadoo aan la tashan guddiga rugta ganacsiga ayaad moodaa iney go’aan iska soo saareen, waddaankaan waa mid soo burburay oo dhibaato ka jirtay, guddiyadanna illaa xilligaasi ayeey shaqeynayeen, waxaa loo baahnaa iyadoo wasaaradda aan go’aan gaarin iney guddigan la tashato” ayuu yiri wasiir hore.

Sidoo kale, Maxamuud Xasan ayaa ku taliyey in meel dhexe la isugu yimaado, dib loo eego canshuurta la bixinayo iyo sidoo kale in la eego culeyska ay ganacsatada ka cabanayaan.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa cabasho ka qaba canshuur dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay marka ay badeeco kala soo degaan dekadda Muqdisho.

Goobjoog News

Cadaado: Ka Ganacsiga Kalluunka Oo Soo Batay

$
0
0

Ka ganacsiga kalluunka iyo isticmaalkiisa magaallo aan lahayn Xeeb iyo Webi ayaa ah mid muujineysa ahmiyadda uu Soomaalida dhexdeeda ku leeyahay isticmaalka Kalluunka.

Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa ah magaalo aan lahayn bad iyo wabi, waxaana xeebta ugu sokeysa ee magaaladan ka heli karto kalluun ayaa ah Hobyo oo qiyaastii 300KM u jirta degmada Cadaado.

Qaboojiyeyaal ayaa suurtageliyey in magaalada Cadaado hesho Kalluun markaasi lasoo qabtay, si lamid ah magaalooyinka kale ee xeebaha leh, lagana heli karaa xilli walbo.

Xilliyada habeenkii ah ayaa magaalada Cadaado waxaa kusoo badanaya goobaha lagu shiilo Kalluunka.

Qaar kamid ah macaasmiisha ku xiran oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan in Cadaado xilligaan laga helo Kalluunka.

“Kalluunka waa hilib macaan yahay, caafimaad badan yahay, waana ku faraxsannahay in halkaan Kalluun laga helo, magaalada Koboc weyn baa ku yimid, waxaa laga dareemayaa isbedallo badan” ayuu yiri Liibaan oo kamid ah shacabka Cadaado.

Ganacsatada Kalluunka geysa Cadaado ayaa sheegaya in waqti badan ay ku qaadatay in shacabka ay la qabsadaan iibsiga Kalluunka, balse ugu dambeyn ay dadku la qabsadeen sida uu sheegayo C/laahi C/lle Xuseen oo ah maamulaha shirkadda Cadaado Fish.

“Shaqada markii hore shirkad dhan baan ku bilownay oo matooradeeda, gaadiidkeeda waxaas wadata, dadkii Kalluun maba isticmaalayaan, sidaasi darteed shirkaddii wey socon weysay, waayo Kalluunka xilligaasi gobolladan maba laga isticmaaleyn, sidaasi darteed markaan Cadaado ku bilownay waxbo maalintii kuma baxaynin, balse hadda dadka aad bay ula qabsadeen oo waan  barnay” ayuu yiri C/laahi C/lle Xuseen.

Goobjoog News

 

 


Wax Ka Baro Wadamada Ugu Badan Ee Dalxiiska Loo Tago

$
0
0

Turkiga ayaa dunida uga jira kaalinta 6-aad marka loo fiiriyo tirada dalxiisayaasha ee soo booqday sanadkii tagay, waxa ay gaarayaan tirada dalxiisayaasha ee soo booqday Turkiga sanadkii hore ku dhawaad 39.9 Milyan oo dalxiisayaal ah.

Sida ay baahisay hay’adda caalamiga ah ee Dalxiiska ee raacsan qaramada midoobay, in tirda dalxiisayaasha caalamka ee booqanayay dowladaha ay gaarayeen 2,322 Bilyan oo qof, kuwaas oo 42% booqday 10 dowladood oo dunida ah.

France ayaa kaalinta 1-aad ku jirta marka loo fiiriyo dhanka dalxiiska, waxaana booqday sanadkii tagay 88.9 Milyan oo dalxiisayaal ah, waxaa ku xiga Spain, waxa booqday 82.2 Milyan oo dalxiisayaal ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa waxa uu ku jiraa kaalinta 3-aad waxaa booqday sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii 72.9 Milyan oo dalxiisayaal ah, Shiinaha ayaa yimid kaalinta 4-aad waxaa booqday 59.3 Milyan oo dalxiisayaal ah.

Dhanka kale dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ku jirtaa kaalinta 5-aad waxaa booqday sanadkii la soo dhaafay 57.8 Milyan oo dalxiisayaal ah.

Kaalinta 7-aad waxaa ku jira dowladda Mexico, waxaa booqday 39.3 oo dalxiisayaal ah, waxaa ku jira kaalinta 8-aad UK waxaa booqday 38.7 oo dalxiisayaal ah.

Jarmalka ayaa ku jira kaalinta 9-aad waxaa booqday ku dhawaad 37.6 oo dalxiisayaal caalami ah, halka Thailand ay ku jiro kaalinta 10-aad waxaana booqday sanadkii la soo dhaafay dalxiisayaal lagu qiyaasay tirdadooda 34.7 oo Milyan.

Dowladahaan tobanka ah waa dowladaha ugu badan oo hela dalxiisayaasha ugu badan caalamka sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dalxiiska.

Goobjoog News

Itoobiya Oo Saami Badan Ka Heshay Dekadda Berbera

$
0
0

Dowladda Itoobiya ayaa Saami ka heshay dekadda Berbera, ka dib markii ay heshiis la gashay DP World iyo Somaliland.

Saamiyada ayaa kala noqday sidan DP World 51%, Somaliland 30% iyo Itoobiya oo heshay 19%.

Waxaa kaloo Itoobiya loo ogolaaday inay dhisto wadooyinka gala ama ka baxa dekadda.

Heshiiskan waxaa soo dhaweeyay Somaliland oo uu u matalayey wasiirka arrimaha dibadda Saciid Cali Shire, madaxa Dp World Suldaan Axmed Binu Suleymaan iyo wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide.

Goobjoog News

Ardey Ku Nool Hargeysa Oo bacaha Iyo Waxyaabaha Jilicsan Ka Sameeya Kabo Casri Ah

$
0
0

Waa suurtagal inaad is weydiineyso qiimaha Kabahani, ama dalkee lagu sameeyay, hase ahaatee arrintu sidaasi waa ay ka duwan tahay .

Wax-soo-saarkan waxaa lagu sameeyay dalka gudahiisa mana ahan wax-soo-saar ay iska kaashadeen ganacsato ama dad kale oo Maal-qabeen ah, balse waxaa hal-abuuray oo sameeyay Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan oo ah ardey dhigta Fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee magaalada Hargeysa.

Sakariye ayaa markii ugu horreysay hal-abuurkiisa ku soo bandhigay Iskuulka uu dhigto, iyada oo ardeyda Iskuulkiisa ay aad uga heleen wax-soo-saarkiisa iyo hal-abuurka cusub ee uu ka yimid.

Sakariye ayaa Kabahan ka sameeya Xarko oo asal ahaan aan loogu talagalin in laga sameeyo Kabo, hase ahaatee uu isagu uga faa’ideystay hal-abuurkiisa, isaga oo Goobjoog News la hadlayana waxa uu yiri “Hadda waxaan wadaa Kabo, kabahaas waxaan ka sameynayaa Xarko, Xarkahan waxaan ka soo iibiyaa Suuqa”.

Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan ayaa sheegay sababta ku kalliftay in uu wax-soo-saarkan sameeyo, ka dib markii uu arkay daruufaha adag ee waddanka ka jira gaar ahaan shaqala’aanta uuna ku fikiray sidii uu wax cusub uu Suuqa u keeni lahaa, si hadhow marka uu dhameeyo dugsiga sare uusan ula kulmin shaqala’aanta dalka ka jirta.

“Waxaan is idhi berri waddanka cid kuu damaana qaadeysa malahan in ay shaqo ku siineyso ama wax kale kuu qabaneysa, waxaan is idhi intaad kheyrkaa baryi laheyd hadhow hadda wax qabso, intii aan magaalada joogi lahaa shaqala’aan waxaa ii fiican in aan ku mashquulo wax-soo-saarkeyga”.

Ardeyda Sakariye la dhigta fasalka ayaa waxa ay u arkaan halyey ka soo dhexbaxay isla markaana u baahan in la dhiirrigeliyo hal-abuurkiisa.

Saynab Maxamuud Cabdullaahi waa hooyada dhashay Sakariye Khaalid waxa ay Goobjoog News u sheegtay in ay aad ugu faraxday marka ay aragtay hal-abuurka wiilkeeda waxayna tiri “Inta uu guriga joogo waxa uu aad uga fakaraa in uu noqdo hal-abuure wax soo-saara, fikraddana isaga ayaa madaxiisa ka keenay cid la keentay oo ku dhalisay ma jirto”.

Ha-abuurka noocan oo kale ah ayaa u baahan in la dhiirrigeliyo, isla markaasna haddii la maalgeliyo dalka iyo dadkaba wax badan u tari kara.

Goobjoog News

DP World: Mashaariic Iyo Heshiisyo Caalamiga Ah Oo Lagala Laabtay

$
0
0

Shirkadda DP World waxaa iska leh xukuumadda Dubia oo ah imaarad ka tirsan Imaaraadka Carabta, waxaa ay maalgeshi ku sameysataa dekado badan oo caalamka ah.

Shirkadda DP World waxaa la aasaasay sanadkii 1999, waxaa ay ka shaqeysaa arrimaha isgaarsiinta iyo Lojistikada, waxaa kaloo 2006-dii ay la wareegtay shirkadda “P & O” oo ah shirkadda  heshiiska la gashay dekadda Boosaaso.

Shirkadda DP World waxaa ay maamushaa dekadaha illaa 40 dal oo caalamka ah, Mashaariicdeeda waxaa ay ka badan yihiin 77 xarumood oo badda ah, shaqaalaha shirkadda waa 37,000 oo ka soo kala jeeda 110 dal.

Horudhacaas waa mid fiican, laakin shirkaddan waxaa jirta mashaariic badan oo ay xirtay ama ku guul-dareysatay, waxaan ka xusi karnaa:

2006: Shirkaddan Dp World waxaa ay shirkadda “P & O” ku iibsatay 6 Bilyan oo Dollar, waxaa kaloo ay dowladda Mareykanka heshiis kula gashay in ay maamulaan 6 dekad oo ay ku jiraan New York, Newark, Baltimore iyo Miami., xubno ka tirsan Labada aqal, madaxweynayaal hore, governotoorayaal iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa iska diiday, heshiiskana sidaas ayuu ku burburay.

2006: DP World oo adeegsaneysa  Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade saxiib la ah Imaaraadka ayaa 30 sano heshiis la gashay dalka Djibuti si ay u maamulaan Doraleh Container Terminal, (DCT) waxaa la furay 2008-dii, laakin dowladda Djibuuti waxaa ay dacwad ka furtay maxkamad ku taallo London, dacwada waxaa uu salkeedu ahaa in Imaaraadka ay laaluusheen Boreh si ay u helaan maamulka dekadda, 3 sano sano ka badan ayey dacwadda socotaa, in kasta oo eedeyntaas lagu waayey Bore hadana Djibouti waxaa ay shirkadan kala laabatay maamulka Doraleh Container Termina February 22, 2018-kii, waxaana halkaasi ku soo afjarmay is-qabqabsi labada dhinac ah oo sanado soo socday.

2010: Imaarada Abuu Dhabi Oo  DP World u diiday heshiis cusub: Imaarada Abu dhabi oo caasimadda Imaaraadka ayaa iska diiday in ay heshiis-ka u cusbooneysiiso DP World, Abu Dhabi Terminals oo loo soo gaabiyo ADT ayaa sheegtay in ay iyada maamulan doonto dekadda.

2011: Shirkadda DP World, waxaa ay ceyriyeen shaqaalo badan sida ka dhacday dekadda Ceynu Sukhna ee dalka Masar.

2012: Sida ay qortay Financial Times shirkadda DP World waxaa lagala laabtay heshiis ay 30 sano kula gashay dekadda caanka ah ee Cadan, shirkadda DP World waxaa lagu eedeeyay musuq, waxaa kale oo la ogaaday in ay qalab ka xadeen dekadda, lacagtii lagu ballamay oo aaney bixin, dayactir la’aan.

March 1, 2018: Heshiis ka dhacay Imaaraadka, waxaa lagu kala saxiixday Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya

Heshiiska 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Iboobyia.

Sida uu sheegay madaxweynaha Djibouti  oo wareysi siiyay Tesfa News heshiiska Berbera uu ku lug leh Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade Djibouti -yaan ah oo dibadda ku nool, waxaa uu horay Imaaraadka ugu wareejiyay dekadda Djibouti ah markii dacwad lagu furay ayuu ka shaqeeyay in Bebera uu ugu abaal-gudo.

Hadaba, inkasta oo heshiiskan ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hadana waxaa ay aheyd arrin aan diblomaasiyad ahaan fiicneyn in heshiiska uu dhacay xilli ra’isul wasaare Kheyre joogay Imaaraadka, sidoo kale lama oga tillaabada xogta ee hey’adaha dowladda uu ku jiro baarlamaanka ay arrintan ka qaadan-doonaan.

Sida heshiiska saddex geesood-ku yahay, Itoobiya waxaa ay dhisi-doontaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xirta xadka Itoobiya, hal milyan iyo bar oo dollar ayaa ku baxaya halkii KM iyo in ka badan 400 milyan ayaa la rabaa in loo helo mashruucan, waxaa kale oo dhisme u baahan dekadda Berbera oo qalabka ay maraakiibta waaweyn ku soo xiran karaa waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM.

 

Goobjoog News

Maamulka Hiiraan Oo Ganacsatada B/weyne Ka Dalbaday Inay Habeenkii Shaqeeyaan

$
0
0

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday ganacsatada magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan inay habeenkii shaqeeyaan, si loo muujiyo ammaanka magaalada.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cabdi Jeyte Cismaan oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay in habeenkii wixii ka dambeeya 9-ka Fiidnimo ay magaalada u ekaato meel aanba ganacsi ka jirin.

Guddoomiyaha ayaa u ballanqaaday ganacsatada B/weyne in amnigooda la sugo, iyagana ay shaqeeyaan si ay usoo laabato bilicda magaalada.

“Waxaan rabnaa in ganacsiga magaalada la furo habeenkii, B/weyne waxaa la moodaa in habeenkii laga guuray, waxaasina wax aan u dulqaadan karno maahan” ayuu yiri Jeyte.

Amniga oo aan la isku haleyn karin ayaa keenay in ganacsatada B/weyne ay xilli hore xiraan habeenkii goobahooda ganacsiga.

Goobjoog News

Shaqadii Xamaaliga Gaari-dameerka Oo Muqdisho Kasii Dabar go’aya

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa sii yaraanaya shaqadii Gaari-dameerada  oo nolosha dadka ku xamaasha kaalin muhiim ah kaga jiray.

xaafadaha magaalada ayaa intooda badan biyaha looga dhaami jiray Gaari-dameeerada, taas oo dadka ku shaqeysta ay reerahooda ay ka biilan jireen balse taasi hadda meesha ayey ka baxday.

Horumar laga sameeyay helitanka biyaha caasimadda owgeed, kaalin muhiim ah oo xataa gaarsiisan in ay reeraha ku guuraan ayey soo mareen Gaari-dameerada xilligii dagaallada ay Muqdisho ka socdeen.

Cabdi Sheikh Abuukar ku dhowaad toban-sano ayuu ku shaqeynayaa Gaari-dameerka waxa uu Goobjoog News uga waramay caqabadha soo wajahay shaqadii ay qaban jireen Gaari-dameerada waxa uuna yiri.

“Dameeraha ayaan ku shaqeystaa, marba sida uu qutul-yoonkeenna uu ilaahey nooga soo sahlo ayaa ugu shaqeysannaa, waxaan ku shaqeynayey shaqada Gaari-dameerka muddo dhan lix sano “.

Waddooyinka Muqdisho si joogta ah ayey u xirmaan gaadiidleyda cabasho ayey muujiyaan waxaa is weydiin mudan wadada maka xirantaa Gaari-dameerada, waxaa su’aashaas Goobjoog News uga jawaabay Maxamed Nuur Axmed oo ka mid ah wadayaasha Gaadiidka Dameerka waxa uuna yiri.

“Dhibaatada ugu badan oo aaan qabno waa waddo xirista, dhibaatooyin kale ma qabno “.

Dadka muruq-maalka ah ee ka xeeya gaadiidka Gaari-dameerada badankood waxa ay leeyihiin reero, waxa ayna shaqeeyaan iyaga oo aan heysan tix-gelin shaqo iyo mid bulshaba.

Dadka ku shaqeysta Gaari-dameerada waxaa heysata caqabado shaqo, oo ay ka midyihiin iyaga oo markii hore xaafadaha biyo geyn jiray, ayaa waxaa hadda la galiyey guryihii Tubooyinka biyaha, waxaa sidoo kale ay ka shaqeyn jireen baqaarada, waxaana badalay shaqadoodii gaadiidka loo yaqaanno Bajaajta.

Goobjoog News

Buuhoodle Oo Shilin Soomaaligii Suuqa Ka Baxay

$
0
0

Waxaa gabi ahaan suuqa magaalada Buuhoodle ka baxay lacagtii shilin Soomaaliga aheyd, ka dib markii qaar la diiday qaar kalana gobollo kale loo safriyey.

Buuhoodle waxaa hadda wax lagu kala gataa lacagta Itoobiya ee Birta iyo lacagta doolarka Mareykanka gaar ahaan midda telefoonka laga tuuro ee adeegga Zaad Serves.

Arrnitan ayaa waxa ay saameyn xun ku yeelatay dhaqaalaha deegaanka, dadka ay arrintan saameysay waxaa ka mida ah sariflayaasha kuwaas oo isku badali jiray lacagaha qalaad.

Maxamuud Cali Yuusuf waa sarifle ku nool magaalada Buuhoodle waxa uu Goobjoog News uga waramay sida ay u saameysay, waxa uuna yiri“Lacagta Soomaaliga ah ee aan isticmaali jirnay waxa ay aheyd lacag qeybsanta wax badan oo danahaaga ah ayey kuu fulineysay, lacagtaas hadda waa ay ka baxday magaalada isticmaalkeedii waxaa badalay lacagtii Itoobiyaanka, lacagtii Itoobiyaanka waxa ay noqotay caqabad dadka heysata sababtoo ah lacagta Itoobiyaanka ee timaada waa boqol riyaad oo annaga na soo gaara waana lacag aadan wax adeeg ah aadan ku sameysan Karin”.

Maxamed Aadan Maxamed oo isna Sarifle ah waxa uu Goobjoog News uga waramay dhibaatada lacageed ee haatan ka taagan magaalada Buuhoodle waxa uuna yiri.

“Lacagtii Itoobiyaanka waxa ay nagu noqotay caqabad, qofkii xitaa haddii uu ku qaato sarifkeeda 33 kabo kama caseysan karo koob shaah ah kama cabi karo, xalka dhibaatadaan looga bixi karo waxaa waaye in ay dadka fahmaan in la soo celiyo lacagtii shilinka Soomaaliga aheyd”.

Ganacsatada Buuhoodle ma helaan wax lacago ah oo baaq-celin ay ku sameeyaan marka uu qof wax ka gato kaasi oo wata doolar ama lacagta birta ee Itoobiya.

Goobjoog News


Nigeria Oo Dib Uga Laabatay Saxiixa Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Ee Afrika

$
0
0

Nigeria ayaa dib uga laabatay  saxiixa heshiiskii ganacsiga xorta ahaa ee qaaradda Afrika, kaasi oo lagu waday in uu furmo todobaadkan gudahiisa.

War-murtiyeed ka soo baxay axaddii shalay, dalka Nigeria ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muhammadu Buhari, uusan ka qeyb-geli doonin shir-madaxeedka Afrika, kaasi oo lagu qabanayo todobaadkan socoda magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Muhammadu Buhari ayaa la filayey maanta oo isniin ah in uu u duulo Kigali, halkaasi oo la filayo in 53 dowladood oo Africa ah in ay ku saxiixdaan heshiis kulminaya dowladaha Africa, kaas oo noqonaya xisbiga ganacsi ee ugu weyn dunida.

Ujeedka heshiiska ayaa ah in la suuliyo teedadka ku hor go’an ganacsiga, iyo in la xoojiyo ganacsiga ka dhaxeeya dowladaha qaaradda Africa.

Golaha wasiirada Nigeria ayaa heshiiskan waa faqay Arbacadii la soo dhaafay.

Midowgga Afrika ayaa go’aamiyey sanadkii 2012-dii heshiiskan horay loo sii wado, ujeedkiisuna uu yahay in la aas-aaso suuq ganacsi oo xor ah kaasi oo mideeya badeecooyinka iyo adeegyada kale ee Africa.

Nigeria ayaa waxaa lagu tiriyaa in ay tahay dowladda ugu weyn Africa dhanka wax-soosaarka Naftada, dadkeedanu waxaa uu gaarayaa ku dhawaad 190 Milyan oo qof.

Goobjoog News

Puntland Oo Ka Hadashay Doonta Gubatay

$
0
0

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed ayaa shalay waxaa ay ku gubatay biyaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Doontan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid waddanka imaaraadka carabta, waxaana saarnaa badeeco ay la haayeen ganacsto Soomaaliyeed, sida ay sheegeen maamulka Puntland oo faafaahin ka bixiyey khaasaaraha ka dhacay doontii gubatay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka maamulka Puntland Cabdirisaaq Nuur Cumar oo booqday goobta ay doonta ku gubatay ayaa Goobjoog News uga warramay khasaaraha ka dhashay

“Doonta waxaa saarnaa hanti badan oo ay ka mid yihiin gaadiid, shidaal sidoo kale waxaa saarnaa bagaash, doonta meesha ay ku soo caaryeyso waa in ay dadka ka digtoonaadaan waxaa laga yaabaa in ay sameyso qaraxyo badan, waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan ganacsatadii ay u rarneyd doontaa”.

Goobjoog News, waxaa ay waddaa xiriirro kale oo ay la sameyneyso ganacsatadii ay doonta u rarneyd, faa-faahinta khasaaraha kala soco, wararkeenna dambe. 

Goobjoog News

Madaxda Afrika Oo Saxiixaya Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

$
0
0

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa maanta Rwanda ku saxiixaya Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Sida uu sheegay guddoomiyaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, suuqan xorta ah, waxaa la filayaa in uu dhaqaale Afrika kor u qaado 52% sanadka 2022-ka.

Suuqan AfCFTA, waxaa uu shaqo abuur u sameyn-doonaa ilaa 1.2 billion oo Afrikaan ah, waxaa uu GDP-ga kor u qaadi-doonnaa illaa 2.5 trillion U.S.

Goobjoog News

Afrika: Soomaaliya Iyo 43 Dal Kale Oo Saxiixay Aagga Ganacsiga Xorta ah

$
0
0

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa Rwanda ku saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan qaaradda dhexdeeda.

44 dal oo ka tirsan 55 dal oo qaaradda Afrika ah ayaa saxiixay heshiiskan la filayo in suuq xor oo badeecooyinka u kala gudbaan la abuuri-doonno sanadaha soo socda. 1.2 Bilyan oo dad oo qaaradda ku nool ayaa ka faa’ideysan doono, waxaana la sheegayaa in dhaqaalaha kor u kici-doono.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Suuqan AfCFTA, waxaa uu shaqo abuur u sameyn-doonaa ilaa 1.2 billion oo Afrikaan ah, waxaa uu GDP-ga kor u qaadi-doonnaa illaa 2.5 trillion U.S.

Goobjoog News

Isbedal Laga Dareemayo Qiimaha Qaraha Suuqyada Muqdisho

$
0
0

Iyada oo lagu jiro waqtiga jilaalka, xilligan oo kale marka la gaaro guud ahaan Soomaaliya waxaa aad uso go’a qaraha, iyada oo dadku aad u iibsadaan si ay qabow uga helaan.

Axmed Macallin Cali oo kamid ah ganacsatada qaraha iibiya isla markaana ka xamaasha ayaa ka warbixiyay halka uu qaraha kaga yimaado suuqyada Muqdisho iyo waqtiyada uu soo go’o.

“Qaraha wuxuu nooga imaan jiray Hargeisa iyo Beledweyne balse hadda wuxuu noon yimaadaa dhulkaan Awdhiigle iyo deegaannadda kale ee shabeelada hoose, xilliyada kulleylaha  ayuu aad u baxaa, waana raqiis laakiin xilliyada qaboobaha wuu yaraadaa”Ayuu yiri Axmed Macallin Cali

Inkastoo baahida qaraha loo qabo xilligaan ay aad u badan tahay, hadana qiimihiisu waa mid aad u hooseeya marka la barbardhigo bilihii lasoo dhaafay, markaas oo xabadda qaraha ee birimada ah qiimo ahaan la iibiniyay 6 doolar. Waxaana hoos u dhacaan loo sababeynayaa qaraha oo soo go’ay xilligaan kuleylaha.

“Dallagiisuba waa xilliga kuleylaha, waana xilliga uu ugu jabanyahay. Bilihii lasoo dhaafay xabadda birimada ah $5 ilaa $6 ayaan gadeynay, hadana $3 ilaa $2.5. Xilliga xagaaga waaba go’anyahay lamaba helo xilliga kuleylaha saanoo kale ayuu meel walbo dhoobanyhay” Ayuu yiri saciid Yuusuf oo ka mid ah raga qaraha iibiya

Dadka Muqdisho ayaa iyagu hadda aad u iibsada qaraha, iyagoo ka sameysta cabitaanno.

“Faa’ido badan ayuu leeyahay, khudaarta hadda umadda waa fahantay, waagi hore oo cabitaanadda dibedda la cabi jiray ma aha, hadda waa shiitaan, isticmaalkiisa hadda aad ayey ula dhacsanyihiin”Ayuu yiri Saciid Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News

Qaraha ayaa ka mid ah miraha dalka kasoo baxa, waana dallagg inta badan aad usoo go’a xilliyadda jilaalka ama kuleylaha.

Goobjoog News

Viewing all 586 articles
Browse latest View live