Quantcast
Channel: Ganacsiga – Goobjoog News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 586

Maamulka Puntland oo Go’aanno Kasoo Saaray Xakameynta Sicirka Shilinka Soomaaliga

$
0
0

Guddigii dhowaan Puntland u magacowday xal u helidda sicirka Shilinka Soomaaliga iyo qaadasho la’aanta ku dhacday oo maalmo ka shirayey  arrintaan ayaa soo saaray go’aanno la xiriira sidii xal waara loogu heli qiimadhaca shilinka maalmahaan ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Boosaaso ee gobolka Bari  iyo Garoowe.

Guddigaan oo uu goddoomiye u yahay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa soo saaray 12 qodob, kuwaas oo ay sheegeen in ay xal u noqoon karaan sicir bararka shilinka Soomaaliga oo deegaannada Puntland gaaray heerkii ugu sareeyey, iyadoo dadka danyarta ah ay yihiin kuwa dhibaata ku qabay.

Halkaan Ka Akhriso

 

Goobjoog News


Viewing all articles
Browse latest Browse all 586

Latest Images

Trending Articles