Quantcast
Channel: Ganacsiga – Goobjoog News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 586

Somaliland: Walaac Laga Muujiyay Ukun La’aan Ka Jirta Hargeysa

$
0
0

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagnayd Ukun la’aan taasi oo inta badan laga dareemay goobaha laga cunteeyo iyo guryaha Magaalada.

Dadka Ukunta aadka u isticmaala ayaa walaac xooggan ka muujiyay Ukun la’aanta ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxaana xilliyadan ku badan Magaalada  dadka qurbaha ka yimid maadaama lagu gudo jiro xilligii xagaagga.

Sababta keentay Ukun la’aanta ayaa lagu sheegay shirkadihii dalka dibaddiisa ka keeni jiray oo aan keenin maalmihii u dambeeyay, wallow ay jiraan shirkado gudaha ah oo Ukunta laga helo haddana waxaa la sheegayaa in ay kala badatay baahidii dadka iyo awooddoodii.

Dr. Mubaarik Muuse Coldoon oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadaha gudaha ah ee Ukunta ka shaqeysta ayaa sheegay in cimillada xilligan ka jirta dalka ay sabab u tahay Ukun la’aanta jirta.

“Dadkii baa aad u bartay markaa waxaa lo baahan yahay tiro badan.. insha’Allaah waxaan filaynaa in aan dhawaan ku filnaan doono Somaliland oo dhan” ayuu yiri Dr. Mubaarik Coldoon.

Goobjoog News

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 586

Latest Images

Trending Articles